Muqdisho 04 October 2025 – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u furtay 52 waddo oo magaalada Muqdisho ku yaal kuwaas oo hore loogu xiray sababo amni dartood, tallaabadan ayay ku sheegeen in lagu beddelayo habkii hore iyadoo hadda xoogga la saaray dagaalka tooska ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Munaasabad lagu daah-furayay furista waddooyinka maanta oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ka soo qeyb galay ayuu ku sheegay in “dhagax iyo darbi amni aan lagu sugi karin,” balse amniga dhabta ah lagu xaqiijin karo oo keliya in Al-Shabaab lala dagaalo oo lagu jabiyo dagaal iyo awood ciidan.
” Bini'aadam darbi kaama celin karo ee waa inaad iska celisaa” ayuu yiri xamse isaga oo raaciyay in amniga horay loo sugay maanta ay qaadayaan mid ka mid calaamadihii “Amniga mar horaa la sugay, maanta raadadki cabsiga ayaa qadnay.”








