Jabuuti (Dawan) – Ciidamada Qaranka jabuuti ayaa xaqiijisay qabashada nin lagu eedeeyay inuu afduub iyo kufsi kula kacay gabar dhalinyaro ah gudaha qabuuraha Ambouli, iyada oo sidoo kale la qabtay laba qof oo kale oo lala tuhunsan yahay in ay qeyb ka yihiin denbiga, kuwaas oo ay ku jirto haweeney lagu eedeeyay inay qiyaantay dhibanaha.
Sida ay sheegeen saraakiisha, kiiskan ayaa soo ifbaxay horaantii toddobaadkan kaddib markii dhibbanaha ay booliska u sheegtay in la afduubtay laguna hayay xoog intii u dhaxaysay 8 fiidnimo ilaa 4 aroornimo. Gabadha ayaa sheegtay in haweeney ay khiyaantay ka dibna ay u gacan gelisay ninka lagu eedeeyay in uu kufsiga geystay.
Iyadoo laga jawaabayo culayska dhacdadan, cutubyada roondada ee degmooyinka 6-aad iyo 7-aad ayaa kordhiyay kormeerka habeen iyo maalin. Howlgalladaas ayaa horseeday in la qabto ninka looga shakisan yahay falka, iyo sidoo kale in qabuuraha laga soo saaro hub lagu qariyey, kuwaas oo loo adeegsaday cabsi gelinta gabadha.








