Soomaaliya, 27 November 2025 – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 11 qof oo ay ku eedeysay inay ahaayeen Shabakad Al-Shabaab, kuwaas oo sida ay hay’addu sheegtay ku howlanaayeen falal argagixiso.
NISA ayaa sheegtay in xubnaha shabakaddan laga soo qabtay magaalada Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kadib howlgallo sirdoon oo qorsheysan.
Bayaan ay maanta soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in shabakaddan ay ku lug lahayd shirqoollo argagixiso iyo basaasnimo, islamarkaana lagu qabtay qaarkood iyagoo ku guda jira fulinta falal argagixiso.







