Puntland, 4 November 2025 (Dawan) – Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa shalay ku dhowaaqay bilowga hawlgallo amni oo ka socda guud ahaan deegaannada Puntland, kuwaasoo lagu xoojinayo xasilloonida iyo ilaalinta sharciga.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntand ayaa lagu sheegay in hawlgalladan ay yihiin qayb yihiin qorshaha Maamulka ku dardargelinayso sugidda amniga iyo ka hortagga falalka amni-darrada.
Hawlgallada ayaa u muuqda kuwa lagu bartilmaameedsanayo hubka sharci-darrada ah, gaadiidka aan taariko lahayn ama aan diiwaan-gashaneyn, dadka isticmaala ama ganacsada maandooriyeyaasha, iyo sidoo kale dadka isku ekeysiiya ciidamada amniga, iyada oo booliska uu dadkaan si gaar ah digniin ugu diray.







