Morocco, 27 Noofembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa soo jeediyay in la aasaaso Isbahaysiga Afrika-Atlantiigga ah ee Amniga Badaha, kaas oo ay hoggaaminayaan dalalka gobolka.
Soo jeedintan ayuu ku soo bandhigay khudbaddiisa furitaanka madasha Dowladaha Koonfurta Caalamka (MEDays) ee Morocco Arbacadii.
Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ku dooday in iskaashiga iyo isku-xirnaanta la xoojiyay ay yihiin “damaanad muhiim ah oo xasillooni u keenaya” dalalka Koonfurta Adduunka(magac loogu yeero dalalka aan horumarsaneyn dhaqaale ahaan ee adduunka). Wuxuu adkeeyay in iskaashiyadani ka dhalanayaan “baahiyo istiraatiji ah” isla markaana ay diiradda saaraan abuurista habab wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo ammaanka badda gobolka.
Ra’iisul Wasaare Barre ayaa sidoo kale si xooggan u dhaliilay qaab-dhismeedka caalamiga ah ee hadda jira dunida, isagoo sheegay inuu la ildaran yahay “dhibaatooyinka qaab-dhismeed iyo shaqo.”
“Nidaamka caalamiga ah ee hadda jira ma awoodo inuu ilaaliyo xasilloonida caalamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Barre. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka Koonfurta Adduunka ay noqdaan “kuwa sameeya mowqifyo, oo aysan noqon kuwa la siiyo.”








