Moscow, 26 Sep. 25 – Ruushka iyo Itoobiya ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo mashruuc warshad taramta Nukliyeerka ah oo Itoobiya laga hergaliyo taasoo muujinaysa xoojinta iskaashiga dhinacyada tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka TASS.
Heshiiska ayaa si rasmi ah looga saxiixay magaalada Moscow, halkaas oo Maamulaha Guud ee Rosatom Alexey Likhachev iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gedion Timotheos ay ukala saxiixeen labada dhinac, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Rosatom, oo ah shirkadda tamarta atoomiga ee dowladda Ruushka leedahay tan iyo 2007, ayaa door muhiim ah ka ciyaari doonta mashruucan, iyada oo keenaysa khibrad farsamo iyo awood shaqo si Itoobiya uga faa’iideysato tamarta nukliyeerka.
Horumarkan waxa uu salka ku haayaa heshiis dowladeed oo ay Itoobiya iyo Ruushka saxiixeen sanadkii 2017, kaasoo ku saabsan iskaashiga isticmaalka tamarta nukliyeerka. Heshiiskaas ayaa dhigaya iskaashi ballaaran oo ku saabsan cilmiga nukliyeerka, tiknoolajiyada, iyo waxbarashada, iyadoo Itoobiya ka faa’iideysan doonto aqoonta iyo tababaro horumarineed oo dhinaca tamarta nukliyeerka Ruushka ah.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in mashruucan uu yahay talaabo muhiim ah oo xoojinaysa xiriirka Ruushka iyo Itoobiya, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha korantada ee sii kordhaya ee gobolka, iyada oo la horumarinayo tamar nukliyeer.
Ra’iisu wasaaraha Itoobiya ayaa horay u sheegay in ka dib dhameystirka biya xireenka uu markaan dalkiisa u jeesan doono tamarta Nukliyeerka si ay horay ugu sii wadaan horumaradda tamarta ee ay ku yareynayaan koronto yaraanta Itoobiya.