Soomaaliya, 2 December 2025 — Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, iyo wafdi uu hogaaminayay oo booqasho ku tagay Jubaland ayaa halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Isniintii , si looga wada hadlo iskaashiga amniga, iyo xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubaland, kulanka, oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan wasiirada Jubaland, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la-dagaallanka Al-Shabaab, horumarinta mashaariicda horumarineed, iyo dhiirrigelinta midnimada qaranka.
Safiirka Maraykanka waxaa laga soo xigtay qiraal kooban oo Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya baahisay in kulanak uu ahaa mid safiirka uu kala hadalay jubaland Midnimada Qaranka ee La Dagaallanka Alshabaab








