Muqdisho (Dawan) Waxaa qoray, Garyaqaan Cali Sheikh Aadan
Shirkadda Hormuud Telecom ayaa furtay su’aal sharci oo horey muran uga dhalisay Fuqahada Qaanuunka. Su’aashaas waxay la xariirtay dabeecadda heshiiska qaanuuneed ee adeegyada lagu isticmaalo Moobeelada sida Sim-card-ka (mobile phone services contracts).
Fuqahada Qaanuunka oo ilaa afar aragti qabo waxaa ugu wayn labo dood oo kala ah, Heshiiska Sim-cardka in uu yahay Heshiis wax kala gadasho (Beec) waana dooda Fiqhiga Faransiiska ku xooggan ayna qaban Culimada qabto in lakala gadan karo adeegyada maadaama ay leeyihin Qiimo Maadi ah halka Fuqaha kale ay qaban in Heshiiska uu yahay mid Kiro, waana dooda sharci oo xoog leh. Dood kasta waa ka dhalanaya axkaam Qaanuuneed.
Shirkadda Hormuud ayaa bogeeda ku baahisay in Muwaadiniinta ay ka kireysay adeega Sim-cardka, ayna awood u leedahay in ay xirto xaalado ay ka mid yihiin, marka la isticmaali waayo muddo.
In kastoo uusan jirin heshiis ay kala saxiixdeen Shirkadaha is gaarsiinta iyo dadka macaamiisha u ah, hadana Xeerka Madaniga Soomaaliyeed waxuu ogalyahay in Heshiisyada aan qornayn ee curfiga ku dhisan ay yihiin kuwo sax ah oo sharciyad leh.
Haddii dooda Hormuud la raaco oo ah in ay ka kireen muwaadiniinta adeega Sim-cardka, Muwaadinka isticmaala Sim-cardka waxuu xaq u leeyahay in uu ku intifaaco xaqa shayga uu kireystay muddada kirada, Shirkadda oo kireeyaha ahna aysan la isticmaali karin.







