Soomaaliya, 30 Nov. 25 (Dawan) Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Plan International ayaa ku heshiiyay in la dardergaliyo Diyargarowga abaarka isla markaana la xoojiyo iswaydaarsiga xogta iyo digniinta hore ee abaaraha Soomaaliya.
Kulan Shalay ka dhacay Muqdisho oo u dhaxeeyay mas’uuloyiinka labada hay’adood ayaa looga hadlay saadaasha abaarta soo socota, xoojinta iskaashiga labada hay’adood, iyo kor u qaadista nidaamyada digniinaha hore iyo jawaabaha degdegga ee xaaladaha bulshada Soomaaliyeed.








