Baku, 2025 – Soomaaliya ayaa xoojinaysa iskaashiga tamarta ee ay la leedahay dalka Azerbaijan, gaar ahaan dhinaca tamarta la cusbooneysiin karo. Abdullahi Bidhan Warsame, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay si qoto dheer u qadarinayso iskaashiga istiraatiijiga ee la leedahay Azerbaijan, isla markaana ay go’aansatay in ay sii xoojiso wada-shaqeynta ku aaddan tamarta la cusboonaysiin karo.
Wasiirka Warsame, oo ka hadlayey Shirweynaha Tamarta ee Baku, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal ee ku saabsan tamarta la cusboonaysiin karo, isagoo sheegay in Soomaaliya ay heshiis is-afgarad ah la gashay Wasaaradda Tamarta ee Azerbaijan si loo ballaariyo wada-shaqeynta dhinacyada tamarta.
"Qeyb ka mid ah dadaallada aan ugu jirno beddelidda habka tamarta dalka, Soomaaliya waxay saxiixday Heshiis Iskaashi oo aan la galnay Wasaaradda Tamarta ee Azerbaijan si aan u ballaarinno wada-shaqeynta tamarta la cusboonaysiin karo," ayuu yiri Wasiir Warsame.








