By Abukar Osman
Changsha, Shiinaha – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Kenya, Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka Heer-Wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC oo lagu qabtay magaalada Changsha, Shiinaha.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, kulankan ayaa loogu wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Dhaay uu carrabka ku adkeeyay in dhammaan iskaashiyada iyo wada-hadallada laba-geesoodka ah loo maro hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya.
“Wasiirku wuxuu si xooggan u muujiyay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay aasaaska deris wanaagga iyo xasilloonida guud ee gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka








