Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa saxiixday heshiis ay la galeen Switzerland si loo xoojiyo adeegyada socdaalka Soomaaliya iyo amniga xuduudaha.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, heshiiska ayaa la saxiixday Talaadadii, kadib kulamo dhexmaray Mustafa Duhulow oo ah Agaasimaha Guud ee HSJ, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday waaxda socdaalka, amniga, cadaaladda, iyo arrimaha dibedda ee Switzerland.
“Iskaashigan wuxuu miro dhalayaa wuxuuna ka qayb qaadanayaa horumarinta adeegyada socdaalka,” ayuu yiri Mustafa Duhulow, Agaasimaha Guud ee HSJ, sida ku xusan war-saxaafadeedka rasmi ah.







