By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xoojiyey iskaashiga labada dal ee dhinacyada tamarta, amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab, sida lagu xaqiijiyey wada hadal telefoon oo dhexmaray labada hoggaamiye.
Madaxtooyada Turkiga ayaa xalay ku dhawaaqday in Erdoğan uu telefoon kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, arrimaha gobolka, iyo iskaashiga caalamiga ah.
Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in Erdoğan uu mar kale cadeeyay go’aanka Turkiga ee taageerada horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dimuqraadiyadda, wuxuuna ballan qaaday in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab ay sii socon doonto.







