Soomaaliya, 01 Oktoobar 2025 (Dawan Africa) – Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Caruurta, taas oo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, isla markaana dalka ku waafajinaysa heerarka qaaradda ee ilaalinta carruurta.
Hindise-sharciyeedkan ayaa helay 130 cod oo taageero ah, 10 diidmo ah, iyo 5 ka aamustay, waxaana hadda loo gudbin doonaa Aqalka Sare si loo ansixiyo gebi ahaan kahor inta aanu sharci rasmi ah noqon. Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa ku tilmaamtay natiijadan mid ka tarjumaysa ballanqaadka muddada fog ee Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda carruurta.
Wasiirka Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa soo dhoweysay ansixinta, iyadoo sheegtay in ay muhiimad weyn u leedahay carruurta Soomaaliyeed.“Heshiiskani wuxuu siinayaa carruurta Soomaaliyeed fursad ay kaga faa’iidaystaan difaac xooggan iyo fursado badan oo horumar iyo koboc ah,” ayay tiri bayaan ay soo saartay.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ku ammaanay hoggaanka baarlamaanka iyo xildhibaannadii hormuudka ka ahaa sharci-dejintan, iyadoo ku tilmaantay tusaale midnimo qaran oo ku aaddan xuquuqda carruurta. Waxay intaas ku dartay in dadaalka xiga uu noqon doono la shaqaynta daneeyayaasha si loo hubiyo in qodobada heshiiska lagu dabaqo adeegyada dhabta ah ee wax ka beddeli kara waxbarashada, caafimaadka iyo ilaalinta carruurta.
Heshiiska Afrika ee Carruurta, oo la ansixiyay 1990-kii xilligii Ururka Midnimada Afrika (OAU), ayaa dejinaya heerar sharciyeed oo lagu difaacayo xuquuqda carruurta guud ahaan qaaradda. Iyada oo Soomaaliya maanta ku biirtay, waxaa hadda heshiiska saxiixay oo ansixiyay 52 dal oo ka tirsan Midowga Afrika.
Heshiiskan ayaa hore loogu ansixiyay Golaha Wasiirrada 25-kii November 2024, ka hor inta aan loo gudbin Golaha Shacabka si loogu qaado codbixinta maanta.