Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay eedeymaha ka imaanaya Somaliland iyo Puntland ee ah in ciidamo ay geysay gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo ku tilmaantay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.
Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa qoraal uu ku soo bandhigay bartiisa Facebook kaga hadlay eedeymahaasi, isagoo sheegay in aysan jirin wax xaqiiqo ah oo muujinaya eedahaas. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in ciidamada Soomaaliya aysan u dirin Sool iyo Sanaag, isla markaana aysan jirin sabab loo geeyo ciidamo halkaas.
Somaliland iyo Puntland ayaa labada ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ku lug leedahay faragelin ciidan oo ka dhacaysa gobolladaas.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Cali Ayaanle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka talaabsatay hawlihii loo igmaday, isagoo sheegay inay faragelin ku hayso gobol ay Somaliland sheegato inay ka tirsan tahay dhulkeeda.
Somaliland ayaa sheegata in degmooyinka gobolkaan oo ay ku jirto magaalada Ceerigaabo, oo caasimad u ah gobolka, ay iyada leedahay.








