Kenya 10 Nofeembar 2025 — Soomaaliya ayaa si buuxda uga qaybqaadanaysa Carwada 25-aad ee Ganacsiga Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka socota magaalada Nairobi, si ay u soo bandhigto wax soo saarka beeraha, hal-abuurka iyo ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe.
Ka qeybgalka Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyadoo ay 28 ganacsade oo Soomaaliyeed ka qaybgalayaan carwadan si ay u soo bandhigaan wax-soo-saarka iyo adeegyada dalka. Tani waa markii ugu horraysay ee Soomaaliya si buuxda uga qaybqaadato carwadan sanadlaha ah oo socon doonta 7–16 Nofeembar. Axaddii, 9-ka Nofeembar, ayaa loogu asteeyay Maalinta Soomaaliya ee carwada.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo khudbad ka jeediyay furitaanka carwada, ayaa ku dhiirrigeliyay ganacsatada Soomaaliyeed inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isagoo yiri:
“Shirkadaha Soomaaliyeed, dhalinyarada, iyo wasaaradaha ganacsiga waa inay toddobaadkan adduunka iyo Bariga Afrika u muujiyaan in aynu nahay xubin firfircoon oo bulshada Bariga Afrika ka mid ah.”







