Soomaaliya, 14 Nofeembar 2025— Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu shaqaaleynayo 4,000-ka macallin ee haray si loo dhameystiro ballanqaadkii dowladda ee ahaa in la shaqaaleysiiyo 10,000 macallin.
Qoraal rasmi ah oo Khamiistii lagu daabacay bogga Facebook-ka wasaaradda ayaa lagu sheegay in 6,000 macallin horey loo shaqaaleysiiyay, halka 4,000-ka kalena la filayo inay dhawaan ku biiraan.
“Waxaa qorsheysan in macallimiinta soo haray dhawaan la qaato, si loo dhameystiro ballanqaadkaas muhiimka ah ee lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada.,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.







