Soomaaliya, 1 Diseembar 2025 – Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhamaadkii 2025 ku soo gabagabeyso heshiiska deynta cafinta ee Naadiga Paris, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige. Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu heshiisyo la galay sagaal ka mid ah tobankii dal ee deynta ku lahaa naadigaan oo ay ka masaxeen, iyadoo Isbaanishka uu yahay dalka kaliya ee weli deynta ku leh ee ka tirsan Naadiga Paris.
Wasiir Biixi oo ka hadlay Miizaan Podcast oo lagu baahiyay Dawan TV sabtidii, ayaa sheegay in tan iyo markii la shaaciyay in Soomaaliya ay u qalanto deyn cafin dhammaadkii 2023, dalka uu hormar weyn ka sameeyay wadahadallada lala yeeshay dalalka xubnaha ka ah Naadiga Paris. "Sagaal ka mid ah tobanka dal horey ayay u cafiyeen deynta, taasoo keentay in boqolkiiba 100 deyntaas la tirtiray, buugaagtoodana laga saaray," ayuu yiri Biixi.








