Soomaaliya, 24 Noofambar 2025 — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay koronto bilaashka ah oo ku shaqeeya tamarta qoraxda, siinayso 335 iskuul dowladeed oo ku kala yaalla dalka.
Wasiirka Tamarta, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kormeer howleed ku tagay qaar ka mid ah dugsiyada mashruucu ka socdo Axaddii, ayaa sheegay in barnaamijkan uu taageerayo Bangiga Adduunka, isla markaana uu ka dambeeyay dhammaystirkii hirgelinta korontada solar-ka ee xarumaha caafimaadka dadweynaha.
Wasiirka ayaa tilmaamay in iskuullada laga hirgeliyay mashruuca ay yihiin dalka oo dhan, isagoo xusay in inta badan rakibaadda la dhammeystiray, halka qaybta harsani lagu wado in la soo gabagabeeyo bartamaha bisha Diseembar.
“Shaqadu waxay hadda ka socotaa 335 dugsi oo dowladeed oo ku yaalla guud ahaan dalka. Mashruucu wuxuu daboolayaa iskuullo u kala foga Saylac ilaa Dhobley, si loo hubiyo in dhammaan hay’adaha dowladda ay helaan koronto joogto ah,” ayuu yiri Bidhaan.








