Soomaaliya, 30 Nov. 25 (Dawan) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Dowladda ay wado qorshe Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay maalgelin ugu sameyneyso Korontada Soomaaliya, wadahadalka arintaasna uu bilowday.
“Safarki ugu danbeeyay ee Sacuudiga waxyaabahii ugu waaweyn ee aan kala hadleynay waxaa ka mid ah ahaa maalgashiga korontada,” ayuu yiri Biixi Iimaan Cige
Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu marti ku ahaa Miizaan portcast oo ay Warbaahinta Dawan baahiso, isagoo ka dhawaajiyay in qorshaha dowladda uu yahay in hoos loo dhigo qiimaha korontada dhamaadka sanadka soo socda ee 2026 ugu yaraan 50%.








