Muqdisho (2 October 2025) – Dowladda Soomaaliya ayaa dib u eegaysa mustaqbalka qandaraaska maamulka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde oo ay tan iyo 2013 gacanta ku hayso shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Favori LLC, iyadoo heshiiskaas uu ku egayahay 2028.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo mar kale 2 isbuuc gudahood kormeer ku tagay ayaa markaanna shirkadda favari ku amray in ay wax ka qabato mukeefyada garoonka, ka dib marki ay amarki hore ee wax ka badalka iyo hagaajinta musqulaha garoonka fuliyeen.
Weedha iyo wadka maxaa isku soo beegay, waxay u muuqataa calaamad muujinaysa in xukuumaddu aysan ku qanacsanayn habka shirkaddu u maamusho garoonka.
Heshiiska 2013 la saxiixay wuxuu siinayay Favori saamiga ugu badan ee dakhliga garoonka, halka Soomaaliya ay heleysa 25% kaliya. 2019 ayaa mar kale la cosbooneysiiyay iyada dhaqliga ay heleyso Soomaaliya marki laga reebo kharashaadka baxay uu isku badalay qiyaastii 55% iyada oo ku egayhay ilaa 2028, si guud marki lagu daro qarashadka Soomaaliya waxa ay leedahay 60 boqolkiiba, sida ku cad heshiis ay golaha wasiiradda Soomaaliya ansixiyeen bishii july ee 2019.



.jpeg&w=3840&q=85)




