Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday ganacsatada shidaalka inaysan kordhin qiimaha shidaalka ee gudaha dalka, iyadoo sheegtay in xaaladaha cakiran ee ka jira Bariga Dhexe ay saameyn ku yeesheen marinnada iyo kharashka keenista shidaalka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Cabdiwahaab Cabdi Cumar, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso inay shacabka siiso warbixin ku saabsan xaaladda shidaalka iyo saameynta uu ku leeyahay isbeddellada ka socda caalamka.
“Adduunka maanta wuxuu marayaa xaalad adag, gaar ahaan xaaladaha ka soo kordhay dagaalka Bariga Dhexe, taasoo saameyn ku yeelatay marinnadii loo soo marin jiray shidaalka imanaya waddankeenna,” ayuu yiri Cabdiwahaab.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in saameyntaas ay ku timid dhinaca loojistikada iyo kharashaadka keenista, taasoo keentay in ganacsatada shidaalka ay la kulmaan caqabado cusub.
Wuxuu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay inay ka fogaadaan kordhin qiimo oo aan ku saleysneyn kharashka dhabta ah ee ku baxa, isla markaana aysan ka faa’iideysan xaaladaha adag ee jira.







