Qaahira, 12 Maarso 2026 (Dawan)– Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Gheyt, ayaa soo dhoweeyay ansixinta uu Baarlamaanka Soomaaliya meelmariyay dastuurka kama dambaysta ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqan-gelintiisa rasmiga ah, kaddib markii uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in Abuu Al-Gheyt uu tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muhiim u ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya iyo xoojinta nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan sarreynta sharciga, kala-soocidda awoodaha dowladeed, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyo adkaynta midnimada dalka iyo gobolladiisa.
Wuxuu sidoo kale lagu sheegay bayaanka in ansixinta dastuurku ay ka tarjumayso geeddi-socod qaran oo loo dhan yahay iyo dadaallo joogto ah oo ay wadaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda qaranka si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, loo adkeeyo midnimada dalka, loona hirgeliyo maamul wanaag iyo horumar waara.








