Khartoum, 06 Oktoobar 2025 (Dawan)– In ka badan 1,200 oo qoys oo Suudaani ah ayaa ku barakacay magaalada Bahri ee gobolka Khartoum, kadib fatahaado ba’an oo ka dhashay biyaha kor u kacay ee wabiga Niil, sida ay sheegtay Hay’adda qaxootiga aduunka (IOM) Axaddii.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fatahaaduhu ay burburiyeen shan guri, halka inta badan guryaha kale ay waxyeello soo gaartay qayb ahaan. Qoysas badan ayaa deegaanka ka barakacay iyagoo ka baqaya in fatahaado kale dhici karaan, kuwaas oo hoy ka helay bulshooyinka deegaanka ee ku dhow.
Fatahaadahani waxay dhaceen kadib markii heerarka biyaha ee wabiyada Niilka, gaar ahaan White nile ee ka yimaada Harada Victoria iyo Webiga Blue Nile ee ka soo burqada buuraha Itoobiya, ay kor u kaceen. Biyaha wabiyada iyo roobabka xilliga roobka ayaa keena fatahaado baahsan oo ka dhaca Suudaan.








