Ankara (Dawan)— Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay codsi madaxweyne oo dhigaya in hal sano oo kale la kordhiyo muddada howlgalka ciidamada badda Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, Badda Carabta, hareeraheeda, iyo biyaha Soomaaliya iyo xeebaheeda.
Golaha Guud ee Baarlamaanka ayaa Talaadadii cod aqlabiyad leh ku meel mariyay codsiga madaxweynaha, kaas oo dhaqan galaya laga bilaabo 10-ka Febraayo 2026, iyada oo lagu xaqiijinayo sii joogitaanka ciidamada badda Turkiga ee gobolladaas istiraatiijiga ah.
Wasiirkkii hore ee Difaaca, Hulusi Akar, oo ah Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa sheegay in joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya inuu fashilinayo waxa uu ku tilmaamay "qorshayaal lagu doonayo in Turkiga lagu hareereeyo.”
Akar ayaa intaas ku daray in joogitaanka militariga Turkiga ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan maraakiibta dagaalka, inuu la mid yahay kaalinta Turkigu ka qaato Liibiya iyo Asarbayjan, isagoo ku tilmaamay “taageero loo fidinayo dal saaxiib iyo walaal ah.”







