Muqdisho, 7 Oct. 25 (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhiga Boqortooyada Sweden, Pal Jonson, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi. iyadoo labada wasiir ay kawada hadleen xiriirka amni ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay taageerada Sweden ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo dagaalka ay kula Jirto Al-shabaab iyo Daacish. Wasiir Fiqi ayaa Wasiir Jonson uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Sweden, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid si weyn uga faa'iideysanaya xasilloonida gobolka.






