Muqdisho – Juun 26, 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah uga qeyb galay munaasabadda xuska todobaadka xornimada, isaga oo halkaas ka jeediyay khudbad uu diiradda ku saaray midnimada umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xornimada lagu farxayo aysan kaamil ahayn inta umadda Soomaaliyeed ay kala maqan tahay, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo suurta gelin kara dib u soo celinta midnimadii qaranka Soomaaliyeed.
"Waxaan aaminsahay in xornimadeenna aysan kaamil ahayn inta lakala maqanyahay. Waxaan markale cadaynayaa in albaabada wadahadalka dhankeenna ay furanyihiin, ayna furnaan doonaan ilaa hadafka midnimada aan ka gaarno," ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyay in dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay diyaar u yihiin in ay garawshiyo ka bixiyaan wixii qalad ahaa ee horey ugu dhacay dadka degan gobollada Waqooyi.







