Soomaaliya, 17 Oktoobar 2025 — Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF) ayaa Khamiistii daahfuray tartan dhalinyaro oo diiradda saaraya korinta iyo kobcinta hibada ciyaartooyda yaryar, si loo dhiirrigeliyo horumarka ciyaaraha heer qaran.
Tartankan oo lagu magacaabo SFF Grassroot Tournament ayaa si rasmi ah uga furmay Garoonka Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho, waxaana furitaanka hoggaaminayay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed. Tartanka ayaa isu keenaya ku dhawaad 400 ciyaartoy oo ka yar 12 sano jir oo ka kala socda degmooyinka kala duwan ee caasimadda.
Mas’uuliyiinta qabanqaabada ayaa sheegay in tartankani uu qayb ka yahay barnaamijyada heer hoose ee Xiriirka, kuwaas oo diiradda saaraya abuuridda fursado ay carruurtu ku ciyaaraan, ku bartaan, uguna koraan jawi habaysan oo ciyaareed. Ciyaaraha ayaa lagu qaban doonaa maalmaha fasaxa dugsiyada, gaar ahaan Khamiista iyo Jimcaha, si ay ugu fududaato ka qaybgalka.
Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka, Madaxweynaha Xiriirka, Cali Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in tartankani uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo kubadda cagta dalka.








