Mauritius, Maarso 31 (Dawan) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa gaaray guul taariikhi ah kadib markii uu rigooreyaal 4–2 kaga adkaaday Mauritius, oo uu marti u ahaa caawa oo Talaado ah, taas oo u sahashay inay u gudbo wareegga group-ka ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2027 (AFCON).
Guushan ayaa noqotay markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay gaarto wareegga ugu weyn ee isreeb-reebka tartanka ugu weyn kubadda cagta Afrika.
Kadib barbaro 0–0 ah oo labada lugood ah — lugtii hore oo lagu ciyaaray Mozambique Jimcihii hore iyo lugtii labaad oo ka dhacday Saint Pierre — labada dhinac ayaa ku guuldareystay inay gool dhaliyaan 90-kii daqiiqo.
Ciyaarta ayaa ugu dambeyn lagu kala saaray rigooreyaal, halkaas oo Soomaaliya ay si guul leh u dhalisay afar rigoore.


