Hargeisa ,13Nofeembar 2025 — Hay’adda Somaliland ee Y-PEER, oo ah Shabakadda Dhallinyarada Is-wacyigelisa ee Waxbarashada iyo Horumarinta, ayaa 33 dhallinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho guddoonsiisay agab ganacsi oo ay ku bilaabi doonaan ganacsi yar, kaddib markii ay dhameeyeen tababar xirfadeed oo socday muddo saddex bilood ah.
Xafladda, oo lagu qabtay xarunta guud ee Y-PEER ee magaalada Hargeysa Arbacadii, ayaa lagu sharfay dhallinyaro hore u dhammaystay tababaro farsamo oo kala duwan isla markaana soo bandhigay fikrado ganacsi oo hal-abuur leh. Dhallinyaradan ayaa lagu wareejiyay qalab dhammeystiran oo ay ku samaysan doonaan ganacsiyo yaryar oo ku saabsan tolidda (dawaarka), qurxinta haweenka, laydhka, iyo warbaahinta (multimedia).
Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Y-PEER, Maxamed Mahad Dhamac, ayaa sheegay in hay’addu ay sii wadi doonto taageerada dhallinyarada, gaar ahaan marxaladda hore ee ganacsigooda, iyadoo ka caawin doonta bixinta kirada goobaha ay ganacsiga ka bilaabayaan.
“YPEER waxay noqon doontaa mid la socota horumarka ganacsigiina. Mar walba YPEER waxay u taagan tahay kor u qaadista xirfadaha dhallinyarada iyo haweenka,” ayuu yiri Dhamac.








