Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in rasaastii shalay ka dhex dhacday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, taas oo uu sheegay wasiirka in ay ka dhalatay in aan lala soo socodsiin safarka madaxweynihii hore si ay ugu diyaar garoobaan habmaamuuskiisa.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo shalay safar u ahaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ilaaladiisa iyo ilaalada garoonka uu muran in rasaas leysku adeegsado uu ku dhex maray garoonka diyaaradaha.
Wasiirka Duulista ayaa balan qaaday in safarada madaxweynaha iyo madaxdii hore ay diyaar ula yihiin habmaamuuskiisa ku saabsan safarada uu ku aadayo ama ugu imaanayo, balse ay tahay in la soo ogeysiiyo ka hor bixitaankiisa si la mid ah madaxdii hore ee Somaliland.
“Waxaa Madaarka Hargeysa ugu dhoofa ama uga soo daga madaxweynayaashi hore iyo madaxweynayaal ku x-keenki hore ee Somaliland inta nool ma jirto wax muran iyo dhibaato ka yimaada, waxaan jeclahay dadka maamula safarada madaxweyne Muuse na taas si la mid ah, in safarkiisa ay u nidaamiyaan oo laga daayo ololaha,” ayuu yiri Fu’aad Axmed Nuux.








