By Asha Elmi
MUQDISHO, Juun 4, 2025 – Warbaahinta afka dowladda ku hadash ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu casuumay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Gogosha Wadatashiga Qaran ee la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juune 2025.
Qoraalka ka soo baxay warbaahinta dowladda 4 Juun 2025, ayaa sheegay in casuumad rasmi ah loo diray siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, waxaana ka mid ah Madaxweynayaashii hore, Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaashii hore, Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada, Ururrada siyaasadeed, Bulshada rayidka, iyo Siyaasiyiin kale oo muhiim u ah gogosha uu Madaxweynaha ku baaqay ee 15-ka Juun.








