Muqdisho, Soomaaliya – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), ayaa sheegtay in ay fuliyeen lix howlgal oo milatari oo ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka rasmiga ah ee ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalladaas, oo dhacay intii u dhaxeysay 29-ka Maarso ilaa 4-ta Abriil, ay si gaar ah uga dhaceen deegaannada Sabiid, Caanoole, Al-Kowthar, Bursha Sheekh iyo Aw-baalle.
“Toddobaadkii lasoo dhaafay, ciidanka NISA oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fuliyay lix hawlgal oo lagu laayay in ka badan 80 xubnood oo Khawaarij ah, oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Hay’addu waxay sheegtay in howlgalladaasi qayb ka yihiin dadaalka lagu baacsanayo Al-Shabaab, waxaana lagu bartilmaameedsaday xarumo, saldhigyo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha kooxda.
Howlgalladaasi ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha oo dhowaanahan noqday aag dagaal culus. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u ballan qaaday inay kordhin doonto duqeymaha dhulka iyo cirka ah ee lagu bartilmaameedsado kooxda.