Bariire (Dawan) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in Ciidamadeeda Gaarka ah ay weerar ku qaadeen guriga ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, intii lagu guda jiray howlgal ka socda degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Ciidanka Gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa hadda fulinaya howlgal ballaaran oo ka socda Bariire, gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo beegsanaya guri ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaan ay NISA ku baahisay baraha bulshada.
Nisa waxa aya shegtay in qiimeynta hordhaca ah ay muujinayso in howlgalka socda uu sababay khasaare culus oo soo gaaray Al-Shabaab, iyadoo la dilay hoggaamiyeyaal sare. Waxay intasa ku dareen in Faahfaahinta dheeriga ah la Baahin doonaa marka howlgalka la soo gabagabeeyo.
Weerarka ayaa dhacay fiidnimadii Jimcaha, waxaana uu qayb ka yahay howlgal militari oo todobaadkii hore ka bilaabmay Bariire. NISA ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro cirka laga qaaday oo ay ku sheegeen inay muujinayaan dhismaha la beegsaday ka hor iyo ka dib weerarka. Sawirradaas si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jiraan xog rasmi ah oo ku saabsan haddii ay jiraan khasaare rayid ama burbur soo gaaray dhismayaasha ku dhow.
Bariire waa mid ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay ahayd muddo xarun muhiim u ah Al-Shabaab, taas oo ka dhigaysa bartilmaameed joogto ah oo ku jira ololaha dowladda ee ka dhanka ah kooxda.