Nairobi (Dawan) – Premier Bank Kenya ayaa soo bandhigay “Premier Connect,” oo ah madal bangiyeed oo isugu jirta adeegyo kala duwan (omni-channel) oo ah tii ugu horreysa kenya, taas oo isku xirta adeegyo maaliyadeed oo badan hal codsi dhijitaal ah. Daahfurka ayaa ka dhacay Khamiista munaasabad heer sare ah oo lagu qabtay Nairobi.
“Premier Connect” waxay macaamiisha u sahlaysaa in ay akoon bangi ka furan karaan meel fog, ay u diraan xawaalado in ka badan 100 dal, bixiyaan biilasha, iibsadaan badeecooyin, iyo in ay buuxsadaan adeegyada taleefoonka gacanta. Sidoo kale waxay bixisaa awood buuxda oo lagu maamulo kaararka bangiga, iyadoo u oggolaanaysa isticmaalayaasha in ay daabacaan, xannibaan, dib u dejiyaan PIN-ka, iyo in ay xaddidaadyo dhigaan.
Madashu waxay qabataa wareejinta lacagaha bangiyada kala duwan iyo is-beddelka lacagaha, oo ay ku jirto beddelka Shilingka Kenyaanka iyo Doolarka Maraykanka, iyo sidoo kale bixinta adeegyada dowladda ee eCitizen si degdeg ah oo ammaan ah.
Madashaan waxay leedahay ammaan la xoojiyay oo ay ka mid yihiin aqoonsiga wejiga (Face ID), PIN, iyo aqoonsiga faraha (biometric), taas oo hubinaysa helitaan ammaan ah oo ku habboon isticmaalayaasha.
Guddoomiyaha Premier Bank, Jibriil Maxamed, ayaa yiri: “Daahfurka Premier Connect waa guul muhiim ah oo aan ka gaarayno oo kaliya bangigeenna balse sidoo kale qayb weyn ka ah horumarinta qaybta maaliyadda ee Kenya. Iyadoo aan keenayno madal bangiyeed oo isugu jirta adeegyo kala duwan oo dalka ugu horreysa, waxaan dejinaynaa heer cusub oo ku saabsan hal-abuurka, fududeynta, iyo helitaanka adeegyada maaliyadeed. Hadafkayagu waa in aan macaamiisha awood siino si ay dhammaan adeegyada bangigooda uga maareeyaan hal madal oo ammaan ah oo fudud in la isticmaalo.”
Bangkiga omni-channel wuxuu isku daraa adeegyada dhijitaalka iyo kuwa jireed ee bangiyada, isagoo macaamiisha u sahlaya in ay si aan hakad lahayn uga gudbaan adeegyada internet-ka, moobilka, iyo laamaha.
Falanqeeyayaasha waxay sheegeen in soo bandhigista madashaan ay saameyn ku yeelan doonto tartanka suuqa maadaama bangiyadu ay raadinayaan in ay daboolaan baahida bulshada sii kobcaysa ee dhijitaalka aqoonta leh.
Adeegaan ayaa Premier Bank Kenya ee Premier Connect waxay ka dhigeysaa in uu hormuud ka noqdo horumarka adeegyada dhijitaalka ee kenya, taas oo u gogol xaareysa kor u qaadista ka mid noqoshada adeegyada maaliyadeed iyo qaadashada dhijitaalka.