Thursday, September 19, 2024

Premier Bank oo Soomaaliya ka hirgeliyey lacag dhigashada ATM-ka

Muqdisho (Dawan)- Premier Bank ayaa ku dhawaaqay adeeg cusub oo ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit) ah, kaas oo u suurta gelinaya macaamiisha inay si xor ah ugu shubaan lacagtooda oo kaash ah koontada bangiga wakhti kasta, maalin iyo habeen.

Adeeggan cusub ayey shirkaddu sheegtay in  la filaayo inuu si weyn u fududeeyo habka lacag dhigashada, iyadoo ATM-yada ay si joogto ah u shaqeynayaan.

Madaxa Howlaha iyo ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank, Mahad ayaa xusay in soo bandhigida adeeggan ay caddeyn u tahay sida uu bangigu ugu heellanyahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada ay u hayaan macaamiishooda.

ATM Cash Deposit ayaa ah adeeg aad lacag dhigasho oo toos ah adigoo adeegsanaya ATM Halkii aad ka tegi lahayd laanta bangiga,iyadoo oo lacagtaas kuu gali doona koontadaada iyadoona laguu siin doonaa rasiid xaqiijinaya in lacagta la shubay.

Soo bandhigida adeeggan cusub ee Premier Bank wuxuu ka dhigan yahay in bangigani uu  soo kordhiyeye adeeg kaas oo siineya macaamiisha fursado dheeraad ah oo ay ku shuban karaan lacagahooda si fudud.

Premier Bank waa bangi ganacsi oo gaar loo leeyahay oo shati ka heysta  Bangiyada Dhexe ee dalalka ugu waaweyn Bariga Afrika oo bixiya adeegyo maaliyadeed iyo mid Bangi.

Bangigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan shirkadaha gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka.

Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa kamid ah; Adeegyada bangi ee Shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, Mobeelka iyo Internet-ka, Mashiinada ATM-ka, Lacag dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, Wakiil bangiyeedka iyo dirista lacagaha heer caalami.

Premier Bank , waxaa la aas-aasay 2013, waa bangigii ugu horreeyay ee adeegyo bagiyeed oo digital ah ka hirgeliya dalka, isla markaana dalka ka hirgeliyay Mastercard. Waxa uu 62% iibsaday First Community Bank Kenya oo May 2023 loo bedelay Premier Bank Kenya.

Premier Bank ayaa Soomaaliya ku leh saddex xarumood oo ka kala yaal Muqdisho, Hargeysa iyo Baydhabo taas oo muujineysa muhiimmadda uu bangigu siinayo bulshooyinka iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo maaliyadeed oo dunida hormurasan la jaanqaadaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here