Saturday, June 7, 2025

Raysulwasaare Xamse oo Lagu Soo Dhaweeyey Jabuuti.

Djibouti, 2025 – Raysulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay galabtii si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Djibouti, halkaas oo uu ku tagay casuumaad rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha dalka Jabuuti.

Raysulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gaaray Djibouti iyagoo bilaabay booqasho shaqo oo 72-saacadood ah, taasoo looga hadlayo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal iyo shacabkooda.

Raysulwasaaraha waxaa si rasmi ah usoo dhaweeyey Wasiirka Isgaarsiinta dalka Jabuuti, Radwan Cabdullaahi Bahdon, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Booqashada Raysulwasaaraha ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga labada dal, iyadoo la filayo in kulamo gaar ah uu la yeesho madaxda Jabuuti si looga wada hadlo arrimaha horumarinta iyo ammaanka gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here