Friday, June 6, 2025

Puntland oo sheegtay inay dishay 35 Daacish ah

Boosaaso – Puntland ayaa shaacisay sawirro muujinaya meydadka dagaallamayaasha Daacish ah ee lagu dilay howlgalada ka socda gudaha gobolka Bari, kuwaasoo ay sheegeen in lagu dilay 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.

Sida uu sheegay howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland, 3 Juun 2025, howlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexeeya Miraale iyo Baalade, buuraha Caalmiskaad ee Puntland.

Howlgalkan, oo lagu dilay 35 xubnood oo Daacish ah, ayaa waxaa ka qayb qaatay Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen keyd hub iyo saanad ciidan oo kooxda Daacish ay la heyd, taasoo muhiim u ah dadaalka lagu wado ka hortagga kooxahan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Puntland ku dooneyso inay ku sugto amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka hawlgala buuraha gobolka Bari, kuwaasoo ay sheegeen inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here