Puntland, Soomaaliya – Ciidamada Puntland ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku dilay ku dhawaad 100 dagaallame oo ka tirsan kooxda Daacish, kadib howlgallo ka dhacay buuraha Calmiskad ee gobolka Bari sida ay sheegeen ciidamada.
Puntland ayaa sheegtay in labo duqeyn oo xalay laga fuliyay deegaanka Shebaab ee buuraha Calmiskad lagu dilay in ka badan 30 dagaallame oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo intooda badan ajaanib ah. Sidoo kale, waxaa la gubay gaari saadka u waday kooxdaas.
War kasoo baxay hoggaanka hawlgalka ayaa lagu xaqiijiyay weerarradan, iyadoo lagu yiri:
“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey deegaanka Shebaab ee buuraleyda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 argagixiso Daacish ah oo ajaanib u badan, iyadoo la gubay gaarigii saadka u waday.”
Waxay intaas ku dareen in dagaallamayaasha la dilay ay u badnaayeen ajaanib.
Weerarkan ayaa imaanaya hal maalin kadib markii Puntland ay shaacisay in ciidamada ammaanka ay dileen in ka badan 60 dagaallame oo ka tirsan kooxda Daacish, kadib howlgal ka dhacay buuraha Calmiskad ee gobolka Bari.
Afhayeenka hawlgallada la-dagaallanka argagixisada Puntland, Maxamuud Fadhigo, oo la hadlay warbaahinta fiidnimadii Talaadadii, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay fuliyeen duqeyn cirka ah iyo weerarro dhulka ah oo lagu beegsaday xarumaha Daacish ee buuraha gobolka.
“Hawlgalka lagula dagaallamayo argagixisada wuu socdaa, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Haraaryo lagu dilay inta u dhaxaysa 60 illaa 65 dagaallamayaal oo ka tirsan Daacish,” ayuu yiri Fadhigo.
Tan iyo dhammaadkii bishii December, Puntland waxay dagaal xooggan kula jirtaa Daacish, gaar ahaan buuraleyda Calmiskad, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda. Puntland ayaa hore u shaacisay howlgal ka dhan ah Daacish, kaas oo ay sheegtay inay ku ciribtirayso kooxahan ku sugan deegaanada Puntland.