Boosaaso (Dawan) – Puntland ayaa bilowday dhismaha jid cusub oo dhererkiisu yahay 92-kiloomitir, kaas oo isku xiri doona magaalada Boosaaso iyo deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari, deegaan ay Puntland ka qabsatay kooxda Daacish horraantii sanadkan. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in mashruucan la filayo inuu horumariyo isu-socodka, kobciyo ganacsiga, isla markaana xoojiyo amniga buuraleyda Cal Miskaad.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii dhagax dhigay mashruuca, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo Puntland ah, isimmo dhaqameed, maamulka gobolka iyo degmooyinka, iyo saraakiil boolis.
Dhaadaar ayaa ka mid ah deegannada buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland ka qabsatay kooxda Daacish 25-kii Febraayo 2025, intii lagu guda jiray Ololaha Hilaac — oo ahaa howlgal ballaaran oo la bilaabay Noofambar 2024, kaas oo lagu bartilmaameedsanayey saldhigyada Daacish ee buuraleyda Cal Miskaad.
“Wadadani waxay leedahay muhiimad amni oo ka badan waddooyinkii kale ee aan dhisnay, kuwaas oo lahaa muhiimad bulsho iyo dhaqaale — balse tan waxay sidataa qiime amni oo dheeraad ah,” ayuu yiri Deni.
Wuxuuna intaas ku daray in jidkani uu ka caawin doono in deegaankaasi aanu mar dambe noqon meel ay ku dhuuntaan kooxo dambiilayaal ah, isla markaana ciidamada amniga ay si fudud ku gaari karaan.
Sida uu sheegay Deni, dhismaha rasmiga ah ayaa bilaaban doona Axadda, iyadoo ay iska kaashanayaan maamulka Puntland iyo bulshada deegaanka. Mashruucan ayuu ku sheegay qayb ka mid ah hindisaha horumarinta Cal Miskaad ee lagu doonayo in lagu xiro degmooyinka fog-fog iyo in la fududeeyo isku socodka gaadiidka Puntland.