W/Q:soohoyde
Bari, Soomaaliya – Ciidamada Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa sheegay inay dileen 57 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo intooda badan ahaayeen ajaanib. Dagaalkan ayaa ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa sheegay in dagaalku ka dhacay Tog-jaceel, halkaas oo ay ciidamada Puntland weerar ku qaadeen saldhigyo ay Daacish ku sugnaayeen.
Ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhigyadii Daacish iyo hub ay lahaayeen xubnaha la dilay sida uu talisku sheegay.
Dagaalkan wuxuu qeyb ka yahay wajiga labaad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa horey u sheegay in Puntland ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Howlgalka ayaa la filayaa inuu sii socdo maalmaha soo socda, iyadoo ciidamada Puntland ay baaritaanno ku hayaan deegaannada ay Daacish ku suganyihiin.