Garowe (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa buuxisay booskii banaanaa ee uu ka geeriyooday 3-dii Diseembar 2024 Senatorkii hore ee Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab).
Baarlamaanka Puntland ayaa doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley inuu buuxiyo booskaas Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee degaanka doorashadiisu ay tahay gobolka Mudug ee Puntland.
Doorashadii lagu buuxinayay booskan ayaa maanta ka dhacday Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley ayaa ku guuleystay kursigan kadib markii musharaxii la tartamayey, Cawil Axmed Cumar, uu ka tanaasulay tartanka.
Kulanka codeynta oo ay soo xaadirtay 50 xildhibaan ayaa codeyn sameeyay, waxaana Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley helay 49 cod, halka hal xildhibaan uu ka aamusay. Natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Abdirisak Ahmed Said.
Markii uu ku guuleystay, Senator Goley ayaa sheegay inuu Puntland ugu adeegayo si daacadnimo iyo sharaf leh, isagoo raacaya dhammaan qodobbada Dastuurka Federaalka iyo Dastuurka Puntland. “Waxaan ballan qaadayaa inaan Puntland u adeegayo si daacadnimo leh oo sharaf ah, sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka iyo Dastuurka Puntland,” ayuu yiri Goley.
Goley, oo ku dhashay Caabuqwaaq 1960-kii, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisa aasaasiga ah, ka dibna wuxuu dugsiga sare ka bilaabay Muqdisho. Goley ayaa sidoo kale ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1978, waxaana uu soo maray hawlgallo badan oo ciidameed, walow siyasadda Puntland iyo tan dowladdaba uu ku susub yahay.