By Asha Elmi
Garoowe, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Puntland ee Soomaliya Maxamed Cabdiwahab Axmed, ayaa ka jawaabay baaqii dowladda ee in gogosha 15-ka Juun si sharuud la’aan ah looga soo qeyb galo, isagoo soo bandhigay shuruudo ay tahay in ay dowladad dhexe fuliso si looga soo qeyb galo wadahadalladaan ay wado.
Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay Facebook 10-ka Juun 2025, isagoo sheegay in Puntland aysan ka qeyb galeynin wadahadalka ilaa la fuliyo shuruudaha soo socda:
“Maanta cid idin la fariisaneysa ma jirto illaa aad ku soo noqotaan xayndaabka sharciga iyo dowladnimada “ayuu Wasiir Maxamed Cabdiwahab.
Wasiir Maxamed ayaa qodobada Dowlada nimada ee suragelinaya ka qeebgalka ku tilmmaamay
- In dowladda dhexe ay ku soo noqoto dastuurkii Aug, 2012.
- Inay ogolaadaan gogol wadatashi Qaran, maadama tii hore ay xisbi isu badashay.
- In dowladda ay ogolaato sidii dalka looga qaban lahaa doorasho Qaran oo heshiis lagu yahey, loona dhanyahey.
- In dowladda ay aqbasho doorashadii Jubbaland qabsadeen, duulaanka Jubaland & Puntand ay joojiso.
Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland aysan ka qeyb gali doonin wadahadalka ilaa shuruudahan la fuliyo.
Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa hadalkaan kaga jawaabay hadalka ka soo baxay Guddoomiyaha Gudiga Qaban-qaabada Madasha Wadatashiga 15-ka Juun, Xasan Macalin, oo ku ku baaqay oo laga soo wada qeyb galo madashaan.
Puntland, oo ka mid ah dowlad-goboleedyada Soomaaliya, ayaa horey u sheegay inay xiriirka u jartay dowladda dhexe, iyadoo aan muddo ka badan laba sano ka soo qeyb gelin Madasha Golaha Wadatashiga Qaran ee ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad-goboleedyada dalka, gobolka Benaadir, iyo madaxda fulinta dowladda dhexe.
Puntland waxay shuruudahan ku soo bandhigtay iyadoo ay jirto xiisad joogto ah oo u dhexeysa dowlad-goboleedyada qaar iyo dowladda federaalka, gaar ahaan marka la eego qaabka doorashooyinka iyo hirgelinta dastuurka dalka.