Garoowe (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa taageero buuxda u muujisay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyagoo adkeeyay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doorashada madaxweyanaha waqtigeeda lagu qabto oo ayasan aqbalayn mudoo kordhin.
Madasha Samatabixinta, gaar ahaan garabka mucaaradka, ayaa Axaddii si cad u sheegtay in “aan la aqbali doonin muddo kordhin wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.”
Puntland ayaa mowqifkan ku celisay war-saxaafadeed ay soo saartay, iyadoo sheegtay in mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya uu ku xiran yahay in la ixtiraamo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda.
“Dowladda Puntland waxay ayidaysaa war-saxaafadeedkii ay maanta soo saareen Madasha Samatabixinta, waxayna ku celinaysaa baaqa ah in Madaxweynaha JFS, ee muddo-xileedkiisu ku egyahay 15-ka May 2026, uu talada dalka ka dego,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.
Puntland waxay intaas ku dartay in Madaxweynaha laga rabo inuu dalka u diyaariyo hannaan si nabad ah loogu gudbo, lana qabto doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada iyadoo la raacayo heshiiskii dastuuriga ahaa ee 2012. Sidoo kale, waxay ku adkaysatay in xasilloonida dalka ay ku xirantahay wadatashi iyo talo wadaag siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin dhammaan saamileyda.
Intaa waxaa dheer, Puntland ayaa taageertay in miiska wadahalka la isugu yimaado si looga hortago qalalaase siyaasadeed lana xaqiijiyo doorasho nabadeed iyo isbeddel sharci ah sanadka 2026.
Puntland ayaa ka mid a dowlad goboleedyada sida cad uga soo horjeeda wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka, tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo khatar ku ah hannaanka siyaasadeed ee lagu heshiiyay.