Friday, March 21, 2025

Puntland oo shaacisay sababta geerida Laahoor

Boosaaso, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland, Cabdirisaaq Cali Ismaaciil Shaahdoon, ayaa faahfaahin ka bixiyey geerida Cabdiraxmaan Shirwac Awsiciid Laahoor, oo horey loogu xukumay dil toogasho ah, isagoo lagu eedeeyey inuu amray dilalka dad badan oo reer Puntland ah.

Laahoor, oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka ku dhawaad 100 qof oo isugu jiray ganacsato, saraakiil ciidan, isimmo, iyo nabadoonno, ayaa muddo dheer ka baxsanaa caddaaladda sida Puntland sheegtay. Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in Laahoor uu ku dhuumaaleysanayay buuraha Calmiskad, halkaas oo ay ciidanka Puntland ka wadeen howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

“Wuxuu ahaa nin xukun dil toogasho ah lagu riday, balse wuu ka baxsaday caddaaladda. Ciidanka Puntland markii ay dagaalka ka bilaabeen buuraha Calmiskad, ayuu dhulkii ku soo oodmay, wuxuuna isku dhiibay ciidamada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Laahoor ayaa isi soo dhiibay waxaana la keenay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ku dhintay xabsiga sababa xanuuno la xiriira da’diisa iyo xaaladdiisa caafimaad. Sida uu sheegay guddooomiyaha geeridiisa waxaa lagu caddeeyay warbixin caafimaad oo kasoo baxday Cusbitaalka Bandar Qaasim ee Boosaaso, wuxuu u geeriyooday dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin:

  • Wadnaha oo hawlgab noqday
  • Beerka oo shaqadii gabay
  • Kelyaha oo shaqadii joojiyay
  • Dhibaato ku timid sambabada
  • Dhiig-karka (Hypertension)

Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa carrabka ku adkeeyay in Laahoor aysan Puntland dilin, inkasta oo uu xukun dil ah ku dhacay. Wuxuu xusay in geeridiisu ay la xiriirtay xaaladdiisa caafimaad, balse ay weli muhiim tahay in cadaalad loo helo dadkii ay eheladoodu laayeen.

“Dadka kale wali cadaalad ma helin, boqolka qof ee uu amray in la dilo cadaalad ma helin, ee ha laga jawaabo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Geerida Laahoor ayaa dhaliyay hadal-hayn badan, iyadoo dad badan ay su’aalo iska weydiinayeen sida ay wax u dhaceen. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in geeridiisa ay sababtay xaaladdiisa caafimaad ee liidatay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here