Tuesday, August 26, 2025

Qaar kamida Haweenka Jabuuti oo ka faa’iideystay barnaamijka waxbarashada dadka waaweyn

Jabuuti (Dawan)-Ururka Qaranka Haweenka Jabuuti oo iskaashi la leh hay’adda samafalka ee Qatar Charity ayaa qabtay munaasabad weyn oo lagu taageerayay haweenka ka faa’iideystay barnaamijka waxbarashada dadka waaweyn, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda haweenka iyo kor u qaadidda noloshooda.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay magaalada Jabuuti, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo uu ka mid yahay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Jabuuti, Agaasimaha Qatar Charity ee dalka iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Haweenka.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa si rasmi ah loogu gudoonsiiyay haweenkii barnaamijka ka faa’iideystay agab kala duwan oo ay ka mid yihiin mashiinnada tolidda dharka, qalabka ganacsiyada yaryar iyo agab kale oo kaalin weyn ka qaadan doona horumarinta noloshooda iyo tan qoysaskooda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Haweenka ayaa ka hadashay muhiimadda barnaamijkan, iyada oo sheegtay in ururku si weyn uga go’an yahay horumarinta haweenka dalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha. Waxay xustay in ujeeddadu tahay in haweenka la gaarsiiyo heer ay ku gaaraan isku filnaansho buuxa oo nololeed.

Danjiraha Dowladda Qatar iyo Agaasimaha Qatar Charity ee Jabuuti ayaa dhankooda ku nuux-nuuxsaday muhiimadda iskaashiga labada dhinac ee lagu xoojinayo haweenka, iyaga oo ballan qaaday in taageeradan ay sii socon doonto.

Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu dhiso awoodda haweenka Jabuuti, iyadoo loo marayo waxbarasho, xirfado shaqo abuur, iyo taageero dhaqaale oo waarta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here