Xubno badan oo ka tirsan mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu caddeeyeen in Madashii Wadatashiga Qaran ay dhimatay, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya uu doorbiday kooxeysi iyo qeybo gaar ah halkii uu ka hogaamin lahaa wada-tashiyo dhameystiran oo loogu talagalay in lagu mideeyo dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Xubnahaan mucaaradka ah, oo tiradoodu gaareyso 16 xubnood, ayaa sidoo kale sheegay in dalka uu haatan ku jiro xaalad adag, iyadoo madaxweynaha uu guuldareystay inuu hogaamiyo, gaar ahaan dhinaca isku-xidhka saamileyda siyaasadeed iyo wadatashiga qaran. War-saxaafadeedkooda waxay sidoo kale ka hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka ee hadda taagan.
Qodobbada ay soo bandhigeen xubnaha mucaaradka waxaa ka mid ah:
- Madashii Wadatashiga Qaran ayaa Dhimatay
Xubnaha mucaaradka ayaa si cad u sheegay in Madashii Wadatashiga Qaran ay dhimatay, isla markaana madaxweynaha uu doorbiday kooxeysi, isagoo iska daayay kaalintii muhiimka ahayd ee ah in la isku keeno dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. - Digniin Ku Aaddan Xaaladda Jubaland
Mucaaradku waxay madaxweynaha Soomaaliya uga digeen inuu ka waantoobo fidno abuurka iyo durbaan-tuminta maamulka Jubaland. Waxay sidoo kale ka codsadeen inuu joojiyo ku-xumeynta xorriyad ka gaadista iyo afduubka siyaasadeed ee uu u adeegsanayo hantida dowladda iyo xilalka la xiriira. - Baaq u Diray Maamul Goboleedyada
Mucaaradku waxay madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koofur-Galbeed ugu baaqeen inay qabtaan doorasho waafaqsan dastuurka, iyada oo mudo-xileedkoodu uu dhamaaday. - Dalabka Baaritaanka Musuqa
Xubnaha mucaaradka waxay dalbadeen in Guddiga Khubarada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu baaritaan ku sameeyo musuqa ay sheegeen in uu dalka ka socdo. - Mahadcelin iyo Baaq Siyaasadeed
Ugu dambeyntii, xubnaha mucaaradka ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka sida ay uga hortimid talooyinka aan la wadaagin ee madaxweynaha, iyagoo ku baaqay in la isku yimaado wadatashi siyaasadeed, laguna mideeyo xoogagga siyaasadda dalka.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay magaalada Muqdisho lagu dhawaaqay xisbi cusub oo ay ku mideysanyihiin madaxda ugu sareysa dalka.