Monday, June 9, 2025

Qaramada Midoobey oo la kulantay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed

Muqdisho, Soomaaliya – James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, ayaa 2 June 2025 ku biiray xubnaha Beesha Caalamka si uu warbixin uga dhagaysto hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliya kadib kulankoodii ay ku yeesheen Hoteel Jazeera.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kulankan wuxuu daba socday kulamadii caadiga ahaa ee xubnaha Beesha Caalamka ay la yeesheen bulshada rayidka ah, kooxaha mucaaradka, saraakiisha dowladda, iyo sidoo kale Golihii Musharixiinta Madaxweynenimo ee 2021-2022.

Sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay, Wada hadallada dhexmaray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa si weyn diiradda loogu saaray taageerada ay Beesha Caalamku u hayso wada hadal qaran ee loo dhan yahay.

Waxaa hoosta laga xariiqay baahida deg-degga ah ee loo qabo in madaxda Soomaaliya ay midoobaan arrimaha muhiimka ah sida amniga, siyaasadda, iyo horumarka  si Soomaaliya horay loogu socodsiiyo looguna xaliyo baahiyaha shacabka.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo Madasha Samatabixinta Soomaaliya  oo ay ku middyesana yihiin mucaaradka Soomalaiya ay 3 maalin ka hor  muqdisho kusoo gabagabeeyey kulan ay uga hadlayeen xaaldda dalka iyo aragtidooda siyaasaded ee ku aadan .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here