Saturday, July 27, 2024

IGAD oo ka doodeysa hannaanka dal ku galka mideeysan

ـJabuuti (Dawan)-Dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay maanta xarunta dhexe ee ururka ayaa ka dooday qorshaha cusub ee dalalka IGAD ugu diyaar garoobayaan adeegsiga nidaam qura ee dal ku galka ah

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo shirka guddoomiyay ayaa sheegay in ujeedka qorshaan yahay tilaabo uu ururku ku doonayo inuu ku xoojiyo is-dhax galka bulshada dowladaha xubinta ka ah ururka, isaga oo sheegay inay ka faa’iideysan doonaan qorshahaan hadduu hir galo ardayda, ganacsatada, dalxiisayaalka iyo cilmi baarayaasha kala duwan.

Agaasimaha caafimaadka iyo horumarinta bulshada ee ururka IGAD Fatxiya Calwan ayaa kulnka ka sheegtay in qorsha adeegsiga nidaam qura ee dal ku galka uu ahmiyad weyn u leeyahay dadka ku nool gobalka Geeska Afrika, iyada oo hoosta ka xariiqday in loo baahanyahay sidii loo xoojin lahaa mareynta iyo hagista nidaamkaan fududeyn doona isku socodka dadka kasoo jeedaka dalalka ururkaan.

Dalalka xubinta ka ah urur goboleedka IGAD ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo wax wadaqabsiga dalalka ku bahoobay ururkaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here