Saturday, July 27, 2024

Qarax ka dhacay meel u dhaw Markab marayay Bariga Dekadda Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Britain, ayaa sheegtay in qarax uu ka dhacay meel u dhaw Marakab marayay meel u jirta 70-Mile Dekedda Jabuuti.

Hay’addu waxa ay warkeeda ku caddeysay in uusan jirin wax khasaara ah oo soo gaaray Markabka sidoo kalena ay bad qabaan dhammaan shaqaalihii saarnaa.

Dowladda Jabuuti ayaa shan maalin ka hor soo badbaadisay shaqaala la socday Markab lagu weeraray Badda Cas, kadib markii ay soo gaartay Dekadda Jabuuti farriin lagu dalbanayo gargaar.

Shaqaalaha lasoo badbaadiyay ayaa ka koobna 24 qof oo isagu jiray 11 Suuriyaan ah, lix Masaari ah, afar Filibiin ah iyo saddex Hindi ah, sida laga soo xigtay Hay’adda Dekedaha Jabuuti.

Sida ay sheegtay Jabuuti, Markabka la bartilmaameedsaday waxaa ka babanaayay calanka Belize, wuxuuna siday ilaa 22 metric ton oo bacrimin ah.

Kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran ayaa hore ugu hanjabtay in ay weerari doonto dhammaan Maraakiibta ku sii jeeda Israel ee ku sugan Badda Cas oo ka mid ah marinka ugu muhiimsan dunida ee ay maraan shixnadaha shidaalka, si ay taageero ugu muujiso Falastiiniyiinta ay Israel ku go’doomisay Gaza

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa fuliyay weeraro badan oo ay ku qaadeen xarumaha Xuutiyiinta, iyaga oo aan ilaa hadda ku guuleysan in ay joojiyaan weerarada ay kooxdu ka geysato Badda Cas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here